(Dhageyso) Dad Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Gobalka Mudug.

0

Dilal ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobalka Mudug, kuwaasi oo la xiriira aanooyin qabiil.

Geerida Seddax qof iyo dhaawaca Laba kale ayaa ka dhacay gobalkaasi, waxaana saaka nawaaxiga Garoonka magaaladaasi Galkacyo lagu dilay Hal qof iyadoo sidoo kale ruux kale la dhaawacay.

Labada ruux kale ayaa iyaguna lagu dilay isla gobalkaasi, waxaana ay la xiriiraan aanooyin dhanka qabiilka ah, mana jirto wax war ah oo ay kasoo saareen dilalkaan maamulada Puntland iyo Gal-mudug.

Falalka sidaan oo kale ah ayaa kusoo laab laabtay gobalka Mudug, waxaana qeyb ka yihiin falalka kasoo horjeeda amaanka ee mararka qaar ka dhaca gobalkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso: