WARQABADKA ALLGALGADUUD MEDIA – Muuqaal ay baahisay Xarakadda Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku hanjabeen inay weeraro la mid ah weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate ee magaalada Nairobi ay ku qaadayaan suuqyo ku yaala wadamada Canada iyo Maraykanka.
Nin ku hadlaya afka Al-Shabab oo kasoo muuqday muuqaalka ay Al-Shabab soo bandhigeen ayaa waxaa uu ku goodinayaa in suuqyo ku yaala wadamada Maraykanka iyo Canada gaar ahaan meelaha ay Soomaalidu ku badanyihiin.
Al-Shabab waxay ku goodinayaan inay labo jibaarayaan weerarada ka dhanka ah dawladaha taageera dawlada Soomaaliya isla markaana ay dhawaan weeraro ka geysan doonaan wadamada reer galbeedka suuqyo ganacsi oo ku yaala.
Qofka hadlaya oo ku hadlaya Af Ingiriiska gaar ahaan lahjada ay ku hadlaan dadka Ingiriiska ah ayaa waxaa uu leeyahay “Waxaan mar aan fogeyn weeraro ku qaadi doonaa suuqyada ku yaala Maraykanka gaar ahaan Minnesota iyo dalka Canada.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ka digtoonaan doonaan hanjabada Al-Shabab kaga timid hase ahaatee dawlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay baarayso codka qofka Al-Shabab ka tirsan ee Maraykanka iyo Canada u hanjabaya.