Lix nin oo dhallinyaro ah ayaa lagu xiray howlgal ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Taliye ku-xigeenka amniga ee degmada Beled-Xaawo Sugow Cali Barre oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in dadka lagu xiray howlgalka looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo falal amni darro ka geysata deegaanka.
Sugow ayaa xusay in qaar ka tirsan ragga xiran ay ahaayeen bar-tilmaameedka howlgalka, ayna ku guulaysteen qabashadooda.
Saddex ka mid ah ragga ayuu sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, si dhaqso ahna ayaana loo horgeyn doonaa maxkamadda, ayuu yiri taliyaha.
Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xoojinayo ammaanka, loogana hor-tagayo falalka amni darrada ah ee ay maleegeyso kooxda Al-Shabaab.