Wax Badan Ka Ogow Allgalgaduud Media Oo Heshay Qoraal David Cameron Usoo Diray XASAN SHEEKH (Qoraalka Oo Dhamaystiran)

0

David-Cameron-and-President-HassanWarbaahinta Allgalgaduud Media, ayaa heshay nuqul ka mid ah Dhambaal si hoose loogu dhiibay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo uu soo diray Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.

Dhambaalkaas oo ku saabsanaa taageeraada Britain iyo beesha caalamka u hayso Soomaaliya, ayaa waxaa madaxweynaha soo gaarsiiyey Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan.

Ra’’iisul Cameron ayaa warqaddiisa ku xusey in Britain ay weli ka go’an tahay in Soomaaliya gacan laga siiyo xaqiijiinta Hiigsiga 2016.

“Mudane Madaxweyne kulankii aan ku yeelaney New York markii uu socdey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaan kuu xaqiijiyey inay naga go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016, waxaana haatan kuu caddeynayaa in weli ay taasi naga go’an tahay, isla markaana aan qirayo in wax badan la qabtey tan iyo bishii September 2012’’, ayuu warqaddiisa ku xusey Ra’iisul Wasaare Cameron.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in walow guulahaasi la gaarey, hadana ay jiraan qodobo muhiim ah oo la doonayo inay Soomaaliya xoogga saarto si loo xaqiijiyo fulinta Hiigsiga 2016-ka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, la dagaalaanka musuqmaasuqa, amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Dhanka siyaasadda ayaa Ra’iisul Wasaare Cameron waxaa uu xusey muhimadda wadashaqeynta madaxda Soomaalida, isagoo dhanka kalena ku amaaney Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka sameysey dhismaha maamullada gobollada, balse loo baahan yahay in la sameeyo wadaxaajood wax ku ool ah oo la isla meel dhigo qaabka awoodaha iyo qeybsiga kheyraadka.

Waxaa kale oo uu Ra’iisul Wasaarha Britain ka codsadey dowladda Soomaaliya inay qaaddo talaabooyin loogu diyaargaroobayo doorashooyin waddanka ka dhaca oo dimoqraadiyadeed sannadka 2016-ka.
Isagoo ka hadlayey dhinaca la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa Mr Cameron waxaa uu soo dhoweeyay talaabooyinka ilaa iyo haatan ay Soomaaliya qaaddey.

‘’Waxaan ku faraxsanahay madaxweyne in sannadkan aad ku dhawaaqdey inuu yahay sannadkii la dagaalanka musuqmaasuqa, waana talaabo aan soo dhoweynayo. Waa in aad dhaqangelisaan qaab isla xisaabtan dhanka maaliyadda ah oo hufan, waayo tani waxay idin ka saacideysaa hagaajinta amniga, xasiloonida dalka iyo dhismaha bulsho horumarsan, waxayna dhanka kale kalsooni siineysaa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan”.

Waxaa Ra’iisul Wasaaraha Britain uu sidoo kale dhambaalkiisa qoraalka ah ee uu u so direy Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga hadley muhimadda dardargelinta in la isku dhafo ciidammada gobollada kala duwan ee dalka, si loo helo ciidan astaan qaran leh, isla markaana ay Britain diyaar u tahay haddii hawshaasi la hirgeliyo inay taageero maaliyadeed ku kabto ciidankaasi, sidii ay horey ugu balanqaaddey shirkii ka dhacay London.

Dhanka gargaarka aadami ee loo fidiyo Soomaalia ayaa Ra’iisul Wasaare Cameron waxaa uu sheegay in Britain ay 25% ku kordhisey sannadkii hore kaalmada ay siiso Soomaaliya, isla markaana UK ay sii wadi doonto inay horseed ka noqoto isku dubbaridka kaalmada caalamiga ee Soomaaliya loo fidiyo.

Dhambaalka Ra’iisul Wasararaha Britain ayaa sidoo kale lagu xusey xoojinta iskaashiga labada dal ee la dagaalanka argagixisada, iyo in Britain sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay madaxda Soomaalida si ay u guuleystaan dadaalada dib u dhiska Soomaaliya iyo hirgelinta Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu dhambaalkaas guddoomay kadib, waxaa uu Danjiraha Britain Mr Neil Wigan u caddeeyay in dowladdiisa ay ku faraxsan tahay dhambaalkan qiimaha leh, isla markaana uu jawaab qoraal ah u diri doono Ra’iisul Wasaare Cameron.