MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Weerarkii iyo Qaraxyaddii mataanaha ahaa ee shalay lagu qaaday Hotel Central laguna qaarijiyey Xildhibaano, Gudoomiye ku xigeenkii Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la sheegay inuu fuliyey nin hoteelka degenaa mudo ku dhow 6 bilood.
Ninkaan oo aanan helin weli magaciisa iyo documents-ka uu hotelka ku degenaa ayaa la sheegayaa inuu qaraabo la ahaa milkiilayaasha hotelka reer Jirde Xuseen.
Dhagarqabahaan qorsheeyey qaraxyadii maanta ayaa la sheegayaa inuu baxsaday kadib markii uu baabuurka kusoo habeeyey waxyaabaha qarxa soona dhigay Parking-ka hoteelka, baabuurkaa oo ku qarxay gudaha hoteelka.
Dhagarqabahaan ayaa la sheegy in uu aad u qarash garaynjiray lacago fara badan ayaa wadan jiray istaafka hotelka marka uu aadayo meelo kamid ah magaaladda. Istaafka raaca marka uu aado xaafado ka mid ah magaalada ayuu siin jiray lacag 100$, taasoo keentay in ilaaladda hotelka ku tartamaan shaqsiga u raaci lahaa xaafadaha uu aado.
Xaafadaha uu aado marka uu galayo ayuu inta badan waardiyaha banaanka ku reebi jiray, halka uu gudaha isagu la geli jiray baabuurka.
Dhagarqabahaan baray ilaaladda hotel central lacagaha fara badan ayaan marnaba la baari jirin baabuurkiisa marka uu kasoo laabto xaafadaha kala duwan ee uu soo booqdo. Dhagarqabahaan ayaa qolka uu ka degenaa hotel Central xiran jiray mararka qaar ee uu ka baxo magaalada Muqdisho.
Safarkiisii ugu danbeeyey ee uu dhowaan kasoo laabtay wuxuu ku tagay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, halkaas oo dhowr jeer oo horeyna uu u tagay, lana sheegay inuu deegaan ahaan kasoo jeedo.
Qofka isku qarxiyey Masaajidka iridiisa ayaa la sheegayaa inuu qaraxyada iskula soo xir xiray qolkii u xirnaa dhagarqabahaan.
Sidoo kale waxay dadkii meesha ku sugnaa qaar sheegeen in ay arkayeen mid kamid ah ilaalada hotel-ka oo rasaas ku dhamaystirayay masuuliyiinta Dawladda kaasoo oo goortii danbe ay toogteen ciidamada Dawladda Soomaaliya oo gurmad usoo fidiyey Central hotel.
Dhagarqabihii soo abaabulay qaraxyadaan mataanaha ah ayaan la ogeyn meesha uu ku sugan yahay.