(Sawirro) War-Wanaagsan:- Cabudwaaq Oo Markii Uhoreysay Yeelatay Gaadiidka Dab damis Ka Ah.

0

waa markii ugu horeysey oo aay magaalada cabudwaaq aay yimaadaa dabdamisyo casri ah oo laagu talagalay iarbortka magaalada iyo guud ahaanba magaalda oo dhan arintaan ayaa waxaay noqotay arin aay soo dhaweeyeen guud ahaan reer caabudwaaq waxayna ku tilmaameen farxad aan la malaysaneen in maanta cabudwaaq aay hesho dab damis


dhanka kale dabdamiskaan ayaa waxa la hubaa in uu magaalada wax weyn ka saacidi doono halka magaalada cabudwaaq oo ah magaalo ganacsigeedu yahay mid xadaarad leh ayaan haysan haba yaraate wax dab damis ah waxaana dhowr jeer ka kacay xarumaha ganacsiga dab aay ku maal waayeen ganacsato xiligaas aan awood u yeelan in aay badbaadsadaan maalkooda gubanaya

si kastaba ha ahaate damdamiskaan ayaa ah mid aay gacan ka gaysteen qurba joogta ka soo jeeda waqooyiga gobalka galgaduud Gaar Ahaan Kuwo Ku Nool Dalka Jarmalka oo ugu tala galay walaalahooda waqooyiga galgaduud oo in badan u oomana dabdamis

By::::Sharmake Cabdi Khaliif

Xafiiska Cabudwaaq.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA:

20130120_035450 20130120_035655 20150221_173709 20150221_173714 20150221_173736 20150221_173812 20150221_173820