Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho, xillila filaayay inuu maanta yimaado Muqdisho.
Hogaamiyaha dalka Jabuuti Ismaaciil Geelle, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka.
Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu salaan sharaf ka qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa in goor dhaw loo galbiyo Hoteelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu qabanaayo xaflad weyn.
Ujeedada uu Magaalada Muqdisho u yimid Madaxweynaha dalka Jabuuti, ayaa waxa ay tahay ka qaybgalka shir looga hadlaayo horumarinta afka iyo sidoo kale dabaal dega maalinta caalamiga ah ee afafka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa laga sugayaa Hoolka City Plaza oo lagu sii diyaariyay xaflad loogu talo galay hab maamuuska Afka hooyo.
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho laga dareemayaa wafuudaan Muqdisho soo gaartay iyo xaalada amniga sida loo adkeeyay.
Hoteelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho oo xaflada lagu qabanaayo ayaa lagu xardhay waxyaabaha muujinaya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya, iyadoo dadweyne kala duwan ay ku sugan yihiin Hoteelka oo xaflada ka qaybgalaayo.