(Dhageyso) War Cusub:- Ahlusunna Oo La Talisay Dowladda Sheegtayna……..

0

Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Dalka Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u soo jeediyay Talooyin ku aadan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii looga hortagi lahaa Weerarada Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Macalin Maxamed Axmed  oo maanta Warbaahinta kula hadlay Gobolada Dhexe Ee Dalka  ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay il gooni ah ku hayso Xaruumo  Al-shabaab ay Dadka uga dhaadhiciyaan Fikarkooda oo kala ah Masaajidyada iyo Dugiyada Qur’aanka Kariimka lagu barto.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Weerarada Al-shabaab ee Muqdisho dhaxdeeda ka dhaca inta badan laga soo Abaabulo Xarumaha lagu barto Diinta Islaamka ee Magaalada Dhaxdeeda ah,islamarkaana looga baahan yahay Dowladda in ay ka hortagto.

Sidoo kale  Macalin Maxamed ayaa laamaha Amaanka u soo jeediyay in ay bixiyaan Dadaallo Dheeraad ah oo Amaanka Caasimadda lagu Xaqiijinayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso: