Taliska ciidamada Booliiska ee dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Afhayeenka Booliiska Khaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in gacanta ay kula jiraan baaritaanka qaabkii ay ku sahlanaatay in gudaha Hotelka qaraxyada ay ka dhacaan iyo cidii fududeysay.
“Cadowga sidii ugu tala galay ma aysan noqon, baaritaan ayaan wadnaa oo dhawaan ayaa lasoo gaba gabeynayaa, amniga hadda waa uu wanaagsana yahay gacanta ayaa lagu hayaa, wax wal ah ma jiro, markii baaritaanka uu soo dhamaado ayaan wixii jawaab ah idin siin donnaa” ayuu yiri Khaasim Axmed Rooble.
Shalay ayaa weerar qaraxyo ah waxaa lagu qaaday Hotelka Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Halkaan Hoose ka dhageyso: