Maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada hoose ayaa ka warbixiyay dilal fool xun oo maalmihii u danbeeyay ka dhacay ay gudaha iyo duleedka degmada Qoryooley ee gobolkaasi.
Xoghayaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeeladah hoose C/shakuur Dhageey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxo hubeysan uu ku tilmaamay Burcad dilal ay ka wadaan deegaano ku dhow degmada Qoryooley.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Xoghayaha in shalay oo ugu danbeysay kooxo hubeysan qof rayid ah inta ay dileen,islamarkaana ay jar jareen ay hilibkiisa ku shubeen Jawaan,iyagoona markii danbe meel banaan ah soo dhigay.
C/shakuur Dhageey ayaa shaaca ka qaaday inaan loo dul qaadan Karin dilalka nuucaani oo kale,isagoona balan qaaday in maamulkooda ay qaadi doonaan talaabo ku aadan sidii arimahaasi wax looga qaban lahaa.
Ugu danbeyntii xoghayaha degmada Qoryooley C/shakuur Dhageey ayaa ugu baaqay maamul Koonfur galbeed in sida ugu dhaqsiyaha badan arintaan u soo fara geliyo.
Hoos ka dhageyso”