Sida uu ku soo waramayo wariyaha Idaacada Risaala ee gobolka Sh/dhexe Max’ed Yuusuf Colow,maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ku amray hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolkaasi inay gargaar gaarsiiyaan dadka dhibaateysan ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee arimaha siyaasada iyo amaanka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa hay’adaha samafalka ku amray inay u qumaan sidii gargaar loogu qeybin lahaa dadka dhibaateysan,islamarkaana daruufaha kala duwan ay daashadeen.
Wuxuu Mr Meyre Makaraan u qeylo dhaamiyay Shacabka ku dhaqan deegaanada dhanka bari ee gobolka halkaasi oo uu dhawaan safar gaaban uu ku tagay,isagoona halkaasi ku soo arkay xaalado bini-adanimo oo dadka heysta.
Hay’adaha gargaarka ayaa sidii loo baahnaa aan u gaarsiin dadka caawinaadii ay u baahnaayeen waxayna taasi sii dheereysay dhibaatooyinka dadka la soo dersayo.
Hoos ka dhageyso: