Deg Deg:- Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda oo Turkiga loo qaaday.

0

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Xaawo Maxamed  Xasan ayaa xaqiijisay in Dhaawaca Ra’iiusul Wasaare kuxigeenka Xukumadda Maxamed Cumar Carte Qaalib loo qaaday dalka Dibadiisa.

 ” Maxamed Cumar Carte  Saaka ayaa laga bixiyay Isbitaalka Digfeer oo loo qaaday Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga” ayey tiri Wasiirka cusub ee Caafimaadka.

Maxamed Cumar Carte
Maxamed Cumar Carte

Waxaa sidoo kale ay Xaawo Maxamed Xasan sheegtay  in  ilaa 10 Qof oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Caafimaad Dibadda ah loo qaaday.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Maxamed Cumar Carte ayaa shalay ku dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay  Hottelka Centeral ee Magaalada Muqdisho,iyadoona Xukumaddu ay sheegtay in Dhaawaca Wasiirka uu Fudud yahay.