WARBIXIN CUSUB – Mulki Maxamed Abuukar waaa haweeney Soomaaliyeed oo 19 sanno Jir ah, waxaay ka mid ahayd 8 qof ee ka badbaaday doontii bishii Janaayo 2015 dhamaadkeedii ku qarqantay badda gacanka Cadmeed ee u dhaxaysa Yemen iyo Jabuuti, doontaas waxaa saarnaa 49 qof, waxaana ku dhintay 36 qof, Mulki Waxaay ahayd xaamilo ku jirto bishii 9aad.
Waxaa taasi udheer Mulki markay timid xerada qaxootiga Alkharas ayadoo tamardaran, waxaa qabatay fool, waxaay foolaneeysay mudo 7 maalmood ah, hadda waxaay haysataa gabar 9 Maalmood jirta, Mulki waxaa doonta la saarnaa 16 qof oo ka mid ahaa oo dhammaanba eheladeeda ahaa kuna dhintay doonta, Sababta ay usoo tahriibeen ayey ku sheegtay daruuf nololeed si ay Yemen uga soo shaqeeysataan.