Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Hotel Central iyo Wasiir Dhintay.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay Hotelka Central ee degmada Xamar weyne, iyadoo tirada dadka ku dhintay ay ka badan tahay in ka badan 10-ruux.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu gudaha Hotelka ku jiray, gaar ahaan meel ku dhow masaajidka lagu dukanayay salaadii jimcaha.

Qaraxa labaad ayaa ahaa ruux xirnaa jaakadaha qarxa oo qaraxii koowaad markii uu dhacay isku qarxiyay albaabka hore ee masaajidka ku dhex yiil hotelka.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel), sidoo kale waxaa ku jira Xildhibaan Cumar Furdug.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ku jiro Wasiirkii Dekeda Nuur Faarax Xirsi, waxaa kaloo jira wasiiro iyo xildhibaano kale oo ku dhaawacmay qaraxa.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Hotelka uu ka muuqdo bur bur aad u xoogan, isla markaana dhaawacyada ay ka badnaayeen ilaa labaatan ruux.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka mid ahaa dadkii ku dukanayay masaajidka ayaa isna la sheegay in dhaawiciisa uu ahaa mid fudud oo la arkayay, isagoo hotelka ka sii baxayay.

Hotelkan ayaa ka mid ah hotelada ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta, kaasoo ku yaala meel faras magaalo ah, waxaa uu ku dhegan yahay safaaradii hore ee Shiinaha.

La soco wixii warar ee ku soo kordha