WAR CUSUB : ilaalada & Shaqaalaha Central Hotel Oo Xabsi Lagu wada Guray & Shaki aan Hore Loo Ogeyn Oo Caawa Soo…

0

MOGADISHU, Somalia (Allgalgaduud.com) – Ciidanka Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay xireen dhamaan shaqaalihii ka shaqeynaayay Hoteelka Centeral ee uu maanta ka dhacay Qaraxyada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadu ay xireen Ilaaladii Hotelka oo iyaguna usoo galay tuhun, kadib markii laga shakiyay in Ciidamadu ay waxbadan ka Ogaayen weerarkii maanta lagu waxyeeleeyay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada.

ilaalada iyo shaqaalaha la xiray ayaa lagu sameynayaa baaritaano la xiriira weerarka, waxaana suuragal ah, in Ciidamadu ay heleen xogo ku saabsan ilaalada Hotelka iyo ogaanshahooda weerarkaasi.

Ilaa laba jeer ayaa afafka hore ee Hotel Centeral lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlada, mana jiro jawaabo ay Ilaalada Hotelkaasi ka bixiyeen,taasi oo horay u muujisay shaki, ayaa waxaa hadana xigay Qaraxyadii lagu weeraray Hotelka.

Dhanka kale, Xariga ilaalada iyo shaqaalaha Hotelka ayaa waxan weli ka hadal Laamaha amaanka iyo Maamulka Hoteelka.

Si aad ula socoto xogahani is daba-yaal – Allgalgaduud Media Isha ku haay