(SAWIRRO) Madaxweynaha Mareykanka oo soo xiray shirkii arrimaha xagjirka ee Magaalada Washington.

0

Magaalada Washington ee dalka Maraykanka waxaa lagu soo afjaray shir saddex cisho socday oo Aqalka Cad uu soo agaasimaya loogana hadlay ka hortagga xagjirka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo shirkan soo xiray ayaa sheegay in dhibaatada xagjirku ayna ahayn mid hal waddan u taalla ee ay tahay in iskaashi laga sameeyo.

Madaxweynaha Maraykanka  ayaa bulshada caalamka ugu baaqay in si mideysan looga hortago khatarta xagjirka. Mr.Obama waxa uu intaas ku daray in sidoo kale dawladaha looga baahan yahay in joojiyaan waxyaabaha keenaya xagjirnimada.

Xoghayaha guud ee QM Bani Ki-Moon oo isna kulanka ka hadlay ayaa dawladaha ku booriyey inay dhowraan xuguuqada bani’aadamka, si ay fursad ugu helaan inay cabsida horjoogsadaan.
United States President Obama delivers remarks during the White House Summit on Countering Violent Extremism in Washington
Madaxweynaha Maraykanka ayaa isna dawladaha ugu yeeray inay wax ka qabtaan cabashooyinka sharciga ee deegaanada ay argagixisada iyo gacan ka hadalku ku tanaadeen. ​

Obama wuxuu yiri “​Marka dadka la cadaadiyo oo xuquuqda aadamaha la diido, gaar ahaan marka mad-habta la isku hayo, amaba isir ama markii mucaaradka la aamusiiyo, taasi waxay quudisaa xagjirka, waxayna abuurtaa jawi u bisil in argagixisadu ka faa’iideysato. Markii isbeddel dimoqraadi oo nabad ku dhisan la waayo, waxay taasi naaxinaysaa borobagaanada argagixisada, markaas oo gacan ka hadlaku uu yahay jawaabta kaliya ee la heli karo.”

Shirka wax kale oo hadlay wasiirro ka kala socday dalka Masar, Faransiiska, Belguim, Mexico, Kazakhstan, Denmark iyo dalal kale.

Shirkii shalay waxa ka horeeyey labo shir oo Talaadadii iyo Arbacadii dhacay, kuwaas oo lagaga hadlay barnaamijyo tijaabo ah oo ay soo bandhigeen magaalooyinka Minneapolis, Los Angeles, iyo Boston oo looga hortago xagjirka.

Hoos ka arag sawiradda oo dhan.

Washington1 US-ATTACKS-SUMMIT-DIPLOMACY Washington3 Washington4 Washington5 Washington6 Washington7

VOA.