(Dhageyso) Salaad Cali Jeelle " Naag Ayaa isku Qarxisay Hotelka Muqdisho"

0

Siyaasi Salaad Cali Jeele oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho aya ka hadlay sidii ay wax u soo gaareen iyo Xaaladiisa Caafimaad. 
Wuxuu sheegay in qaraxa uu ahaa mid qasaaro xooga uu ka dhashay islamarkaana uu ahaa mid xoogan uuna dhacay xili madax badan oo dowlada Soomaaliya ka tirsan ay ku sugnaayeen Gudaha Masjid ku yaalla Hotelka Central.

Waxa uu xusay in Qaraxa uu burburiyay dhismaha Masaajidka oo dhan, waxa una tilmaamay in Masaajidka ay ku dukanaayeen dad fara badan oo u badnaa Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah Safiirada Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalalka caalamka.

 waxa uu tilmaamay in Qaraxii Maanta ay fulisay Haweeneey uuna arkay Haweeneey qoorta ka go’an uu ku arkay Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhagan Hotelka Central, waxa uuna intaasi ku daray in qaraxa uu ahaa labo qarax oo mid ka mid ah loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in Xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid aad  u wanaagsan isla markaana uu Caafimaad u rajeynayo Madaxda kale eek u dhaawacan tahay Qaraxa, sidoo kalema uu Alle ugu baryaayo Madaxdii ku dhimatay Qaraxa inuu Janada Fardowso ka waraabiyo.

Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa horay Xilal kala duwan ugu soo qabtay Dowladihi KMG ee Dalka Soo maray, waxa uuna horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG ee dalka so maray, iyo Wasiiro ku xigeenkii Gaashaandhiga ee Dowladii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Qaraxa Maanta ka dhacay Masaajid ku yaalla Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan ka soo baxayaa oo la xiriira dhimashada iyo dhaawaca Masuuliyinta ka tirsan Dowlada Soomaaliya ka soo gaaray qaraxaasi.

Waxana Madaxda ugu sareysa Dalka ay si isku mid ah u Cambaareeyeen Qaraxaasi, waxayna Al-Shabaab ku eedeeyeen ineysan rabin nabada iyo hormarka Dalka. 

Hoos ka dhageyso codka: