(Dhageyso) Maamulka Degmada Jowhar oo Beeniyey Eedeyn Loo Jeediyey.

0

Xasan Baroow Bocor oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay in ay wadaan Howlo tirakoob ah oo lagu ogaanayo tirada guud ee guryaha ku yaala degmada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe waxaana uu sheegay in taasi ay uga gol leeyihiin sidii loo xaqiijinlahaa Nadaafada.

Wareysi gaar ah uu siiyey Xasan Baroow Idaacada Asal ee Magaalada Jowhar ayuu iska fogeeyey inay jirto Lacago laga qaado dadka deggan Xaafadaha Jowhar xilli Cabasho ay kasoo baxeysay qaar ka mid ah Shacabka Jowhar.

Dadka qaarkood ayaa waxay sheegeen in Guryaha dhismaha Dhagaxa ah laga qaadayo Lacag dhan 30 kun Shillin Soomaali ah,halka guryaha laamayeeriga ah laga qaadayey 20 kun Shillin Soomaali Bishii iyadoona Maamulka Degmada Jowhar uu warkaasi beeniyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA AAN LA YEELANAY XASAN BAROOW BOCOR: