(Dhageyso) Faahfaahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Degmada Xamar Weyne.

0

Qarax xoogan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Salaadii Jimcaha ka dib ka dhacay inta u dhaxeysa Hoteelada Naasahablood iyo Central ee ku yaalla Taalada Xaawa Taako ee Degmada Xamar Weyne. 

Labadan Hotel ee Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah kuwa ay dagan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya sida Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Qaraxa markuu dhacay ka dib ayaa waxa la maqlay rasaas xoogan oo u egeyd mid isweedaarsi ah oo ilaa hada ka socota gudaha iyo nawaaxiga labada Hotel ee uu qarax ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiil ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray waxana soconayaa baaritaano ay sameeynayaan Ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida ee Dowlada Soomaaliya.

Ilaa hada lama ogo qaraxa iyo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi iyo sidoo kale gaariga qarxay inuu saarnaa qof naftii hure ah iyo in kale.

Gudoomiyaha Degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qadir oo aan khadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay iney socdaan baaritaano kala duwan isla markaana ay la wadaagi doonaan Warbaahinta baaritaanka ka dib.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya  iyadoo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, isla markaana magaalada ay ka socoto diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Jabuuti iyo madax ka socota Maamulada Soomaalida,

Hoos ka Dhageyso: