(Sawirro) Wasaaradaha Arimaha Dibadda Ee Wadamadda somaliya iyo imaaraadka Carabta Oo Heshiis wada Gaaray.

0

Waxaa manta ay labada Wasaaradood ee Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, ku kala saxiideen Heshiiska Afti- Isfahameed (MOU).

Heshiiskaas oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Hishiiskaan oo Faa’iido badan u leh xagga Tayeynta iyo Horumarinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee JFS.

Waxaa heshiiska u saxiixay dhanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, H.E. Cabdulqaadir Sheikhey Mohamed Al-Xaatimi, Danjiraha Safaarada JFS ee UAE, dhanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadkana Waxaa u saxiixay, Wakiilka (Under-Secretary) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda UAE, H.E. Mohamed Mir Abdullah Al Raisi,

Waxaa Goobjoog ka ahaa madasha Heshiiska lagu kala Saxiixday

Lataliyaha 1aad ee Safaaradda JFS ee Abu Dhabi

Mudane, Axmed Daahir Maxamed iyo Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Imaaraadka Carabta.

“Dhamaad”

 Hoos Ka daawo Sawiradda:

Signing Ceremony-1 Signing Ceremony-2 Signing Ceremony-3 Signing Ceremony-4