Hey’addaha Ammaaanka dowladda ayaa soo bandhigay ragg lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo saddex maalin ka hor lagu qaarijiyay Saraakiil ka tirsan Saadaasha Hawada Soomaaliya.
Afhayeenka Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidamada booliska ku guuleystaan inay soo qabtaan labo ruux oo watay gaari, kuwaasoo ku lug lahaa dil loo geystay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska, mid kalena la dhaawacay.
Waxaa uu sheegay in ciidamo ka ag dhowaa goobta uu dilka ka dhacay ay ceyrsadeen kooxahan oo gaari watay,hal ruuxna ka dileen, labana soo qabteen, inkastoo uu tilmaamay in labo kale ay baxsadeen.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in raggan ay ka qeyb qaateen dilkii maalmo ka hor agagaarka KM4 loogu geystay Saraakiishii ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha, waxaa uu xusay in la haayay raadka dilkaas iyo gaariga ay wateen oo uu xusay in nambarada taargadan ay kala bedeleen si ay dadka u qaldaan.
Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa shalay lagu daadiyay wadooyin dhowr ah iyo isgoysyada muhiimka ah ee magaalada, halkaasoo ay ka sameynayeen howl gallo baaritaano ah dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamada la sheegay inay ka howl geli doonaan goobo laamaha ammaanka ku tilmaameen inay yihiin Qadka-Cas.
Hoos ka daawo sawiradda:
a