Taliyaha ciidamada dalka Jabuuti, ayaa maanta gaaray Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada ka socda Dowladda Jabuuti ee Amisom ka mid ah.
Taliyaha guud ee ciidamada dalka Jabuuti Sakariye Sheekh Ibraahim, ayaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beladweyne, waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Maamulka, Saraakiisha ciidanka Jabuuti iyo Saraakiisha ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Intaasi kadib ayaa Taliyaha wuxuu Salaan sharaf ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ee Beladweyne ku sugan, waxaana loo galbiyay xerada Ceel-jaalle oo ah fariisin ciidanka Amisom ay ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne.
Sakariye Sheekh Ibraahin, Taliyaha ciidamada dalka Jabuuti oo Saxaafadda kula hadlay Xerada Ceel jaale, ayaa ku sheegay booqashadiisa Magaalada Beladweyne inay tahay dhiiragelin uu usameynaayo ciidamada Jabuuti ee Magaalada Beladweyne ku sugan.
Wuxuu sheegay Taliye Sakariye inuu joogi doono Magaalada Beladweyne hal maalin, uuna ka qayb qaadan doono dajinta ciidanka cusub ee Jabuuti oo dhawaan gaaray Magaalada Beladweyne.
Inta uu Magaalada Beladweyne ku sugan yahay Taliyaha ciidamada dalka Jabuuti, wuxuu kulamo la qaadan doonaa Saraakiisha ciidamada Amisom iyo maamulka Gobolka Hiiraan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Magaalada Beladweyne ay gaareen ciidamo ka socda Dowladda Jabuuti oo gaaraya kun Askari, kuwaasi oo ku biiray howlgalka Amisom ee Gobolka Hiiraan.