(Dhageyso) Muusigkeyste Maxamed Wali oo maanta lagu aasay Muqdisho.

0

Alle ha u Naxariistee Maxamed  Wali Axmed Macow oo ahaa Muusigkeystihii Hobalada Waabari oo dhawaan ku geeriyooday Wadanka Isku taga imaaraadka Carabta ayaa Maanta lagu Aasay Qabuuro ku yaala Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka oo ka dhacay Isbitaalka Madiina waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka,Abwaano, Fanaaniin iyo Ehelada Marxuumka.

Abwaan C/wali Maxamed Maxmuud  oo ka qeyb galay Aaska Maxamed Wali Axmed Macow ayaa sheegay in Aaskiisa ay ka qeyb qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Ehelkiisa,waxaana uu Alle uga baryay in uu Jano Fardowso ka waraabiyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Abwaan Abwaan c/wali Maxamed Maxmuud.