Maamulka degmada Balanbal ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in xaalad adag ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan ka barakacay dagaalkii Guriceel ee gaaray degmadaasi.
Hareeri Xasan Barre oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in dadkaan ay dhibaatada uga bixi karaan oo kaliya dagaalka Guriceel oo nabad lagu dhameeyo.
“Xabadda Hala Joojiyo, dadka meelo badan ayeey ku dhiban yihiin, nabadda ayaa kaafisa, hadii Nabad la helo dadkaan waxaa la hubaa in ay nafisi doonaan oo xaalad walba ay ku jiraan ka bixi doonaan” ayuu yiri gudoomiyaha.
Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay degmada Guriceel in dagaalada ay joojiyaan islamarkaana wax walba wada hadal ku dhameeyaan.
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna ayaa ka dhacay degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, waxaana dagaalkaasi uu sababay in dad badan ay ku barakacaan.