Gudoomiyaha degmada Guriceel ee Ahlu Sunna ayaa ku eedeeyay Dowldda Soomaaliya inay hurineyso Colaada ka taagan Degmada Guriceel.
Xuseen Salaad oo Ahlu Sunna ugu magacaaban Gudoomiyaha Degmada waxa uu sheegay in xubno ka tirsan Xildhibaanada dowladda iyo shaqsiyaad kale ay gadaal ka riixayaan Dagaalka kuwaasi oo magacyadooda uusan carabka ku dhufan.
Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa isku haya gacan ku heynta Degmada Guriceel, waxaana ay tani imaaneysaa iyadoo ay socdaan dadaal nabadeed.
Hoos ka Dhageyso: