(Dhageyso) Askari ka mid ah Ciidamada Taraafikada oo Darawal ku dilay Muqdisho.

0

Wararka aan ka heleyno Isgooyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Ee Soomaaliya uu Saaka Isgooyskaasi ku Toogtay Nin Darawal ah.

Goobjooge ku sugan Tarabuunka ayaa sheegay in uu Muran Dhanka Afka ah soo kala dhexgalay Askariga iyo Ninka Darawalkaa ee la dilay.

Hasse ahaatee ma ahan wax ku Cusub Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ay Dil u geeytaan Dad Rayid ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: