Xog: Maxaa Kala Socotaa In Faarax Cabdulaadir (Abu Damujadiid) Loo Magacaabayo Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka.

0

Wararka sida hoose lagu helayo ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha Nabad-sugidda aranka loo magacaabi doono Faarax Sheekh C/qaadir oo hore u ahaa wasiirka cadaaladda, ahna mid kamida siyaasiyiinta ugu dhow madaxweynaha.

Lama oga inuu siyaasigani aqoonyahanka ah jagadaasi dan ka leeyahay iyo in kale laakiin waxaa isa soo taraya in Taliye C/raxmaan Tuuryare muddooyinkii danbe xaalkiisu fiicneyn oo uu xaqiiqsaday in xilka uu weyn doono.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu jagada taliska Nabad Sugidda u door bidi lahaa C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe, waxaase la is barbar wadaa isaga iyo Faarax Sheekh C/qaadir, inkastoo rajada Sanbaloolshe ay saameyn ku yeelatay khilaafkii keenay inuu xilka waayo.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media