Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa xilligaan waxa uu damacsan yahay qorshe culus oo halis ku ah madaxweynaha iminka talada haya ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Warar ay si hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in Faroole uu abaabulayo mucaarad badan oo Gaas kasoo horjeeda, waliba abaabulkaasi xoogiisa waxaa rag isaga wakiil u ah ay ka wadaan magaalada Garoowe.
Ilo wareedyadeena ayaa inoo xaqiijiyay in mucaaradkaan uu ka imaan doono meelo badan, sida wasiiro hore, xildhibaano hore iyo saraakiil ciidan, waxaana la doonayaa in shacabka la tuso in maamulka Gaas aanu waxba qabaneen.
Isku soo wada duuboo Cabdiweli Gaas ayaa isna la ogaaday in uu ka war hayo Manjaxaabinta lagu hayo, waxaana albaabada uu isgu dhuftay Beejaj laga daalacan jiray Puntland ka dib markii ay banaanka soo dhigeen waxyaabo badan oo bulshada ka qarsoonaa.