War Deg Deg Ah:Shir Ka Dhan Ah Socdaalka Fartaag Ee Doolow Oo Maalintii Labaad Ka Socdo Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

0

Shirkaan oo ay isugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka , & Bulshada ku dhaqan Degmada Beled Xaawo oo ah Magaalada ugu dadka badan Gobolka Gedo ayaa si Weyn loogu lafa Guray Xaaladaha Cakiran & Siyaasadaha Qalafsan ee hada ka jiro Gobolka Gedo , waxaana Shirka Qaban Qaabadiisa lahaa Beelaha Cali Maxamed ‘’Cali Dheere’’ & Beesha Howraarsame Amaanreer oo is garabsanaayo kuwaas oo ka tirsan Beelaha Sade Daarood ee deegaanka badan ku leh Gobolka Gedo ayna ka Qayb Qaadanaayeen Waxgarad ka tirsan Beelaha Sade Daarood ayaa si weyn loogu Mucaaraday Socdaalka aan Qiimaha badan ku fadhinin ee uu C/laahi Sheekh Ismaaciil Fataag ku joogo Gobolka Gedo .

Shirka ayaa intii uu socday lagu Sheegay in Beelaha Cali Maxamed & Howraarsame Amaanreer aysan Marnaba Taageeri doonin Aragtida Qaladan & Marin habaabinta lagu samaynaayo hanaanka & Hogaanka Jubbaland ayagoona ka digay Qataraha ka imaan karo dhibaatada ka dhalato Socdaalka danaha daahsoon hugan ee uu Fartaag oo ay Wehliyaan Siyaasiyiin aan u dhalan deegaanka ku yimaadeen Degmada Doloow ee Gobolka Gedo .

Waxay Beeluhu Isla Garteen intii ay Socdeen Kulumadooda oo ay ku Marti Qaadeen dhaqanka Beesha Sade inaysan Marnaba Soconayn in Talada Gobolka Gedo Gacanta loo Galiyo Maamulka Jubba oo ay ku eedeeyeen inay Sabab u ahaayeen Xasuuq & dhibaateen loo gaystay dad reer Sade ah, waxayan Sheegeen in Layaqaano deegaanka Jubbaland & Sida loo kala dago Muhiimna ay tahay in Bulshada ku dhaqan Jubba in loo Sameeyo Isdhexgal & dib u Heshiisiin si looga Gudbo kala Qaybsanaanta Bulshada dhex taalo waxayna Cuqaashii kulanka ka hadlay intaasi ku dareen inaan Marnaba la Qaadan Karin Aragti ku aadan Soo XULISTa baarlamaanka Jubbaland ee uu hada Fartaag la yimid Gobolka taas oo ay ku Micneeyeen in ay ka baaqdaan ka Qaybgalka Shirkaas .

Shirka Odayaasha ayaa waxaa ka soo baxay War Murtiyeed ka kooban 3 Qodob kuwaas oo ay Sheegeen in loo baahanyahay in la hirgaliyo ka hor inta aanan lagu degdegin in la Soo Xulo Xildhibaanada Jubba kuwaas oo ay waliba ku adkeeyeen Bulshada Gobolka inay u dhaga Nuglaadaan Dowlada dhex & Beesha Caalamkana ay faryaan inay Tixgalin Siiyaan :

1. Beelaha Cali Maxamed & Howraarsame waxay ku talinayaan in la hirgaliyo Midnimo dhex Marto Bulshada Gobolka Gedo aragti midna ahna laga qaato Maamulka Jubba ayadoo loo Maraayo wadiiqo Nabadeed & Cadaalad Awood Qaybsi .

2. Waxay Labada Beeleedbo Taageerayaan in la helo Maamul loo dhanyahay Cadaaladna ah oo u dhexeeyo Bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland .

3. Waxay labada Beeleedba Taageero Xoogan siinayaan soona dhawaynayaa in aan lagu degdegin soo Xulista Baarlamaanka ka hor inta uusan Mareexaan isku imaan dhamaynina waxybaaha ka dhex Aloosan .

Waxaaa ugu danbayntii labada Beeleed ay ku adkaynayaan Hogaanka Siyaasada & raga isku hayo inay fiiriyaan danta Guud ee deegaanka waxa ayaga u dhexeeyana aysan ku luminin danta Guud ee deegaanka .

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media