(Sawirro+Dhageyso) Puntland oo maanta xukuntay shan nin oo Shabaabnimo ay ku eedeysay.

0

Maxkamadda Dembiyada Culus ee Puntland, ayaa waxaa maanta la horkeenay toddobo nin oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, iyadoo laba ka mid ah ay Maxkamaddu wax dembi ah ku weyday, ayna dib xoriyadoodu u siisay.

Xukunka Maxkamadda oo ka dhacay Magaalada Boosaaso, ayaa waxay Maxkamaddu 5-ta nin ee kale, ay ku riday xabsi isku midda oo min laba sano oo xarig.

5-ta nin ee la xukumay, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Aadan Cali Cabdi, Axmed Cabdi Xuseen, Cabdi Maxamed Xasan, Axmed Aaddan Cabdi iyo Cali Axmed Nuur Cali

Labada nin ee la sii daayay, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Nuunow Cali Taakow iyo Cali Nuunow Cabdi. Waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda C/fataax Xaaji Aadan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Maxamuud Faarax Maxamuud, ayaa sheegay in 1-dii bishii October raggaasi laga soo qabtay, xilli gaari ay la socdeen uu maraayay inta u dhaxeyso Boosaaso iyo Carmo, kana yimaadeen Magaalada Galkacyo.

Xeer Ilaaliyaha waxa kaloo uu sheegay in raggaasi ay ku sii jeedeen Buuraleyda Galgala, si ay kaga barbar dagaalamaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo Ciidanka Puntland kula dagaalamaaya Galgala.

Gudoomiyaha Maxkamadda C/fataax Xaaji Aadan, ayaa 5-ta nin ee la xukumay ku eedeeyay inay u soo tababarteen, sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen dagaalada, ay Shabaabku ka wadaan aagga Galgala, laakiin laga hortagey, sida uu yiri.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in 5-ta nin ee la xukumay ay iska fogeeyeen eedeymaha ay u soo jeedisay Puntland, isla-markaana aynaan wax shaqo iyo shuqul ku lahayn ururka mayalka adag ee Al Shabaab.

Qareenada difaaceysa raggaasi, ayaa waxay cadaalad daro ku tilmaameen xukunka lagu riday, ayna racfaan muddo bil ah ka qaateen xukunkaasi.

Halkaan ka dhageyso warbixin:

Puntland Puntland1 Puntland2 Puntland3 Puntland4 Puntland5