Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa oo ka mid ah Garoomada waawayn ee Soomaaliya,ayaa waxaa lagu soo Kordhiyay qalab Casri ah,kaasi oo lagu baarayo dadka ka dhoofaya Garoonka,kuwa kaso dagaya iyo Alaabta ay wataan.
Garoonka ayaa waxaa ka hawlgala Shaqaale aad u tababaran,waxaana maalin kasta ka dhoofa,kana soo daga Diyaarado gaaraya todoba.
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Siciid Cabdiraxmaan Dhega-wayne ayaa sheegay in sanadka Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf lagu soo kordhin doono dhismayaal Casri ah,xilli Garoonka muddooyinkii ugu dambeeyay lagu soo kordhiyay Qalab Casri ah.
‘’Waxaa la dhisi doona Terminal,waxaa kale oo la dhisi doona Dhabaha ay Diyraadu ku orodo sanadka dhexdiisa sida balanqaadka Dawladu uu yahay,Gaalkacyo waa Bartamaha Soomaaliya’’ Sidaa waxaa yiri Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.
Dawlada Puntland ayaa ku hawlan hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha,arrintan oo qayb ka ah hormarka ay hiigsanayso Dawlada Puntland.
Hoos ka daawo sawiradda: