Madaxda Culima’udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca, ayaa waxay maanta shir ballaaran ku yeesheen Magaalada Guriceel ee Xarunta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, tan iyo markii toddobaadkii tagey ay dagaal kula wareegeen.
Shirkan oo ahaa noociisii ugu ballaarnaa, ayaa waxay kaga hadleen waxa ay yeeli doonaan baaqyada kala duwan, ee kaga imaanaaya wax-garadka Somaliyeed ee la xiriira in laga wada hadlo dagaalada, oo heshiis isku soo dhawaansho ah laga gaaro.
Shirka waxaa lagu soo hadalqaaday in Dowladda Federalka Somaliya ay ka hortimid baaq loo jeediyay, oo ahaa inaanay wax weerar ah ku qaadin Magaalada Guriceel, markii laga qabsaday, laakiin ay maalin ka dib-ba ku qaaday weerar ballaaran.
Madaxda Ahlu Sunna waxay kaloo ka wada hadleen in diyaarado hub sida ay ka soo deggeen Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, hubkaasina uu ahaa midkii ay Ciidanka Dowladdu ku weerareen Guriceel.
Gaba gabadii shirka, ayaa waxaa laga soo saaray qodobo, waxaana Warbaahinta u akhriyay Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Qodobada laga soo saaray shirka waxaa ka mid ah
In Ahlu Sunna ay aqbashay xabad joojintii la kala dhex dhigay iyaga iyo Dowladda
In Dowladda ay jebisay xabad joojinta, markii wax-garadka ku baaqeen joojinta dagaalada
In Ahlu Sunna ay shacabka Somaliyeed iyo bulshada caalamkuba ogeysiineyso inay aqbashay xabad joojinta, haddii Dowladda Somaliya ay diyaar u tahay inay dhaqangelineyso.
In shirka ka soconaayo Magaalada Dhuusa-mareeb aanu ahayn mid nabadeed, oo uu yahay mid colaadeed.
Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa ugu dambeen sheegay in Ahlu Sunna ay taggi doonto dhammaan deegaanadii, ay horey kaga saartay Ururka Al Shabaab, haddii Dowladda Somaliya tix-gelin weydo xabad joojinta.
Sheekh Shaakir, ayaa qaba in Ahlu Sunna ay qayb ka tahay Maamul Goboleedyada dalka ka jira, laakiin ay Dowladda Somaliya ka soo horjeedo magaca Ahlu Sunna iyo dadka qaba buu yiri mabda’aas.
Hoos ka dhageyso wareysi uu Sheikh Shaakir La Yeeshay Wariyehanna Yuusuf Cabdi shire: