Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku sugan yahay Dalkan Itoobiya ayaa waxaa uu halkaasi Kulamo gooni gooni ah kula qaatay Madaxda Dalka Itoobiya.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Madaxda Itoobiya ay kawada hadleen Arrimo uu kamid yahay Amaanka.
Wasiirka ayaa intaa ku daray sidoo kale Amaanka Degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya in wax laga qabanayo ay u balan qaadeen Dowladda Kenya oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso.
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Dagaal kula jiro Dagaalamayaasha,waxaana uu horay u sheegay Maamulka in Al-shabaab laga saarayo Degaanada ay ku harsan yihiin.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: