(Dhageyso) Khaatka oo dib loogu dhoofinayo Soomaaliya.

0

Saaka, waxaa lagu wadaa in ay dib u bilawdaan dulimaadyadii diyaaradaha khaadka ka qaada dalka Kenya ee geeya Soomaaliya.

Duulimaadyadaasi ayaa hakad galay kaddib markii ay ganacsatada khaadka ee Soomaalida ah ay ka biya diideen qiima kordhin ay khaadka ku sameeyeen beeralayda.

Ganacsatada ayaa hadda sheegaya in qiimaha laga dhimay.

Maalin weliba ilaa 16 diyaaradood ayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho geeya khaadka ka baxa Kenya.

Sureer Jaamac Maxamuud waxa ay ka mid tahay ganacsatada khaadka ee Nairobi ku sugan.

Hoos ka dhageyso codka: