Xog Cusub: Damujadiid Oo Gen. Cabdi Qeybdiid Uga Bedalanaya Musharaxnimadiisa Maamulka Gobolada Dhexe U Magacaabida Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka.

0

Kooxda Damujadiid oo ku fashilantay hogaanka siyaasadda Dalka ayaa haatan wada isku daygeedii ugu xooganaa oo ay ku doonayaan sidii ay awooda dalka dib ugu qabsan lahaayeen is bedelka la filayo inuu dalka kadhaco sanadka 2016-da.

Damujadiid ayaa gorgortan kula jirta Gen Abdi Qeybdiid iyaga oo usoo bandhigay Mr Qeybdiid inuu qaato Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, jagadaan bedelkeedana uu ka tanaasulo Musharaxnimada Maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya isla markaana uu taageeraa Musharaxnimada Cabdikariin Hussein Guled oo kooxda Damujadiid la dooneyso inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo aan isku haleyn karin taageerada uu ka heli karayo Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland, Jubaland iyo Koofur Galbeed ayaa haatan go’aansaday inuu awoodiisa isugu geeyo sidii labada maamul ee harsan lana filayo in laga dhiso sanadkaan guduhiisa Mudug/Galgaduud iyo Hiiraan/Shabeelaha Dhexe State inuu madaxweynayaal uga dhigo masuuliyiin isaga ku xiran oo ka tirsan Damujadiid, Masuuliyiintaa oo uu kamid yahay Cabdikariin Hussein Guled.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo ku fashilmay inuu wasiir kadhigo Cabdikariin Hussein Guled maadaama Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed aad u naceen ayaan la ogeyn sida uu ugu guuleysan karayo inuu Madaxweyne kadhigo Cabdikariin Hussein Guuleed.

Isku soo duube Kooxda Damujadiid oo gebi ahaan la xanuunsanaysa kuna mashquulsan sidii marlabaad xukunka u qabsan lahaayeen sanadka 2016da ayaan ku tusaale qaadan sida Soomaalidu ayna marnaba usoo dooran mar 2-aad masuuliyiinta xukunka soo hayey ee fashilmay sida horeyba ugu dhacday Kooxdii Aala Sheikh ee uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.