Wararka naga soo gaaraya magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay uu ka taagnaa muran u dhexeeya, Madaxwayne Puntland iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Puntland oo ka cabanayay Mushahar la’aan, murankan ayaa cirka isku shareeray, ka dib markii uu Madaxwaynuhu soo saaray wareegto uu xilka uga qaadayo Saraakiisha cabashada keenay.
Maaalinimadii shalay ayaa caasimada Puntland laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidamo taageersan Dawlada Puntland kuwaasi oo si xoog leh u hubaysan isla markaana la dhigay xarumha muhiimka ah, dhanka kale cutubyo hor leh oo aad u hubaysan ayaa ku biiray ciidanka gadooday.
Magaalada Garowe ayaa xalay ku seexatay dareen deganaansho la’aan ah, sidoo kale todobaadkii tegay ayaa Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso ka horyimaadeen xilka qaaadis uu madaxwaynuhu ku sameeyay, arinkaasi oo magaalada Boosaaso ka abuuray xiisad kacsan.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa ku doodaya in aanay helin Mushahaarkoodii mudo sanad ah, sidoo kale Dayactirkii qalabka iyo mid gadiidka ciidamada, waxay arinkaasi si toos ah ugu eedeeyeen Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kala Soco AGGM Wixii Ku Soo Kordha Haduu Alle idmo.