Heesaa caan ka ahaa dalka Jarmalka oo lagu magacaabayay Denis Cuspert oo 39-jir ahaa ayaa ku biiray dowladda islaamiga ee loo yaqaano ISIS ama Daacish.
Ninkan ayaa horay loo diiwaan geliyay inuu ahaa burcad, waxaa uu qaadi jiray heesaha loo yaqaano Rap-ka, waxaa iska dhalay hooyo Jarmal ah iyo aabe Ghana ah, mar dambe ayuu qoyskiisa ka tagay, markii hooyadiis ay guursatay nin American ah.
Denis Cuspert ayaa u safray dalka Jarmalka sanadkii 2013, waxaana uu qaatay Diinta Islaamka, waxaa uu la baxay magaca Abuu Dalxa Al-Almani.
Bishii la soo dhaafay ee 27-janaayo ayaa lagu diiray liiska waxa loogu yeero Argagixisada caalamiga ah, qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka oo muujisay qatarta uu ninkan leeyahay.
Muuqaal ay baahisay ISIS ayuu ka soo muuqday, isagoo haya madaxyo go’an iyo qoriga RBG oo uu ku dagaalamayay, waxaana hada loo aqoonsaday inuu qeyb weyn ka qaadanayo muuqaalada ay soo bandhigto IS ee barobagaandada ah.
Raphael Perl oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha argagixisada iyo ammaanka ayaa sheegay in ninkan uu si fudud ah dhalinyarada ugu qori karo ISIS, waayo wuxuu u adeegsan karaa taageerayaashiisa heesihiisa Rap-ka inuu fikirka xagjirnimada ah ugu bedelo.
Sirdoonka Jarmalka ayaa aaminsan in ilaa 500 oo u dhashay dalka Jarmalka ay ka bar bar dagaalamayaan ISIS, ayna suura gal tahay in qaar ka mid ah inay dalka ku soo laabtaan oo ay ka geystaan weeraro Argagixiso ah.
Hoos ka daawo sawiradda: