Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP oo kaashanaya ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Nusej ayaa maanta Garowe tababar socondoono saddex maalin ugu qabtay qaar kamid ah saxafiyiinta ka howlgalla deegaanada Puntland.
Ujeedadda tababarkaan ayaa wuxuu ku saabsan yahay in wariyayaasha Puntland si anaagsan looga dhiso mabaadii’da saxaafada, xoriyada hadalka, iyo anshaxa saxafaada, Waxaana furay oo kaso qeyb galay wasiirka warfaafinta dowladda Puntland CabdiWeli Xirsi Cabdulle.
Waxaa casharada tababarkaan bixindoono qubure saxaafadeed oo ka yimid dalka Finland oo isugu jira Somali iyo ajaaniib iyo sidoo kale saxafiyiin gudaha ku sugan.
Xoghaya ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Nusej Maxamed Ibraahim Pakistaan iyo gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Puntland MAp Feysal Khaliif Barre iyo xogyhayihiisa Faadumo Maxamed Maxamuud ayaa tababarka ku sugan.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inay saxafiyiinta Puntland wax badan ka dharagsan yihiin mabaadiida iyo anshaxa wanaagsan ee saxaafada, isagoo intaas kadib ku booriyay inay sii kordhiyaan aqoontooda iyo ka shaqeynta nabada.
Halkaan ka daawo Sawiradda.