(Dhageyso) Top News:- Rag ka tirsan Shabaab oo Dowladda isku soo dhiibay.

0

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Rag ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya ilaa 5 Ruux.

C/llaahi Muuse Isxaaq oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Milatariga Ee Gobolka Gedo ayaa KNN u sheegay in Shantaan Ruux Saddex kamid ah ay iska soo dhiibeen Degmada Garbahaayey ee Gobolka Gedo,halka Labada kale ay Degmada Buurdhuubo ay iska soo dhiibeen.

C/llaahi Muuse Isxaaq ayaa  intaa ku daray in Saddex kamid ah ragii isku soo dhiibay ay Magaalada Muqdisho ku soo Wareejiyeen.

hasse ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Milatariga Ee Gobolka Gedo ay sheegaan in Rag ka tirsan Shabaab ay isku soo dhiiben.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: