Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake oo Wareysi siiyay Idaacada VOA Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka digay in Khilaaf uu soo kala dhex galo Madaxda Dalka islamarkaana Caqabad ku noqon kara Hiigsiga 2016-ka.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa Hay’addaha Dowladda ka dalbaday in la ilaaliyo Nidaamka Dowladdnimo oo laga dheeraado wax walba oo Khilaaf keeni kara.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale ka hadlay Maamulada loo sameynayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in Maamulka Gobolada dhexe uu meel wanaagsan marayo.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa intaa ku daray in sidoo kale Maamu loo Dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,kaas oo Qorshihiisa uu meel wanaagsan marayo.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: