(Dhageyso) Madaxweyne Xasan Oo Galabta U dhoofay Dalka Itobia.

0

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo laabtay  Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa beryahan ugu maqnaa Baaritaano Caafimaad Dalka Jarmalka.

Safiirka Somaaliya u fadhiya wadanka jarmalka ayaa ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha waxaana saxaafada uu uga waramay safarka madaxweynaha .

Hoos ka dhageyso codka safiirka:

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa galabta u ambamaxay dalka Ethiopia, waxaana wafdiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.

U jeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in uu Madaxweynuhu uu magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu kulan balaaran kula yeelan doono wufuud caalami ah,iyagoo ka wada hadli doona arrimo quseeya xaaladda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoo muddo 5 maalin ah ku maqanaa dalka Jarmalka isagoo intii halkaasi uu ku sugnaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Berlin.

La Soco Faah Faahinta Haduu alle idmo.