(Dhageyso) Madaxda Ugu Sareysa ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo Dhuusamareeb Gaaray.

0

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ka furantahay gogol dib u heshiisiineed oo beelaha ah.

Maamulka dowladda Federaalka ee Galgaduud iyo waliba guddoomiyeyaasha degmooyinka Galgaduud ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyey waftiga.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey shirka dib u heshiisiinta, waxayna sheegeen in ay daruuri tahay in si wadajir ah horey loogu talaabsado.

Waxa waftigani uu muujinayaa midnimo iyo muwaafaqo laga gaaray shirka ka furmaya cadaado bisha maarso koowdeeda ee uu madaxweynaha iclaamiyey.

Hoos ka dhageyso codka: