(Dhageyso) Maamulka Gobolka Gedo oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal ka Soo Yeeray Kooxda Horjooge Axmed Madoobe.

0
Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa si kulul waxay u cambaareeyen shir la sheegay in lagu soo xulayo Xubnaha Gobolka Gedo uga mid noqonaya Baarlamaanka Maamulka Raaskanbooni ee ka soconaya degmada Dolow,iyagoo dhinaca kalena sheegay in Shirka Garbahaarey uu yahay Shirweyne ay u dhan tahay Beelaha dega Gobolka Gedo,islamarkaana lagu casuumay kooxda maleeshio beeleedka Raaskambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.
Cabdi Bare Cabdi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in xilligan suurto gal ayan ahayn in shir lagu qabto degmada Dolow islamarkaana lagu soo xulayo Baarlamaan ay yeeshaan kooxda Raaskambooni ee Axmed Madoobe waxuuna ugu baaqey xubnahaasi ka socda ee ku sugan doolow in ay ka soo qeyb galaan shirka ka soconaya Magaalada Garbahaarey.
Gudomiye kuxigeenka  Gobolka Gedo Mudane Cabdi Barre ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Gedo uu aqoonsan yahay Shirka Garbahaarey oo kaliya.
Isku soo wada duuboo Waxaana uu sheegay in aysan war u hayn shir la sheegay in uu ku baqaay  Xasan Dheere oo ah Horjoogaha Caafimaadka Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni, kaasi oo ahaa shirka ka soconaya Garbahaarey in uu yahay mid dhaqan.

Halkan Hoose Ka Dhageyso: