Gudoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay dagaalyahano ka mid ah Al-shabaab, taasi oo ka dhacday deegaano ka mid ah gobalkaasi.
Siidii ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay ilaa iyo xalay duqeynta dhanka cirka ah laga fuliyay inta u dhaxeysa magaalada Marka iyo Deegaanka Gendershe gaar ahaan deegaan ay weerar kasoo qaadi jireen Al-shabaab.
Waxa uu gudoomiyaha hadalkiisa intaasi ku daray in halkaasi ay ku dhinteen 20 ka mid ah ciidamada Al-shabaab sidoo kalena ay bur bureen 10 gaadiid oo nooca dagaalka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Siidii ma aanu faah faahin diyaaradaha uu sheegayo in duqeyntaan ay geeysteen dalalka laga leeyahay, balse waxa uu kusoo gaabsaday in ay fuliyeen dad saaxiibo la ah Soomaaliya.
Ma jirto warar ka madax banaan gudoomiye Siidii oo qiraya in qasaaraha intaan la eg loogu geystay Al-shabaab duqeyntii ka dhacday Shabeellaha Hoose.
Halkaan Hoose ka dhageyso: