Hanti Dhawrka guud ee Qarnka Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa uga digay wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya in ay isticmaalaan daqligii ay qabtaan.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lasoo celiyo isla xisaabtan, si loo soo celiyana wasaaradaha looga baahan yahay in qarashka ay qabtaan kusoo shubaan qasnadda dhexe, markii lagu shubana ay wasaaradda Jeeg qoran doonto ama wasaaradda maaliyadda kala hadli doonto qiimaha ay u baahan tahay.
“Waxaa loo baahan yahay isla xisaabtankii lasoo celiyo, si taasi loo soo celiyo wasaaradda waa wasaarad daqli qabasho, daqliga ay qabato waa in qasnada dhexe la geliyo, wasaaraha qaar waxay istcimaalaan daqli ay qabtaan, wasaarad isticmaali karto daqliga ay qabato ma jirto, waxaa loo baahan yahay xisaab celin, waa in qasnada dhexe lagu shubaa waxa daqli ah ee la qabto, goortii lagu shubo halkaa wasaaraddu Jeeg ayeey qoraneysaa ama wasaaradda maaliyadda ayeey kala hadleysaa qiimaha iyo dhaqaalaha ay u baahan tahay, laakiin in aanay dhicin daqli ama wax wasaaradi qabatay ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Dr Nuur Jimcaale.
Hanti Dhowrka guud ee qaranka ayaa ku cel celiyay in aanay dhicin wax is daba marin ama in xisaab la aan wax la isticmaalo iyadoo qarashka la qabto aan lagu soo xareyn qasnada dhexe.
Halkaan Hoose ka dhageyso: