Gudiga Dhex dhexaadinta Dhinacyadii ku dagaalamay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay halka ay u mareeyso waan waanta laga dhex wado Dhinacyada halkaasi ku dagalamay.
Nabadoon Daahir Macalin Faarax oo ka mid ah Waxgaradka ku howlan joojinta Dagaalkii ka dhacay Degmada Guriceel ayaa sheegay in hada ay meel wanaagsan mareyso Nabadeynta laga dhexwado Garabyadii ku dagaalamay Guriceel.
“Dadkii ka barakacay Dagaalkii ka dhacay Guriceel wey ku soo laabteen Magaalada,Labada Dhinac ee dagaalka ka geeystay Guriceel Xal in ay gaaran Rajo weyn ayaan ka qabnaa”ayuu yiri Nabadoon Daahir Macalin.
Gudiga Dhex Dhexaadinta Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa Maalmahaan ku howlanaa sidii ay u la hadli lahaayeen Ahlusuuna iyo Dowladda oo ku dagaalamay Guriceel.
Halkaan Hoose ka dhageyso: