(Dhageyso) Deg Deg:- Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Baladweyne Ee Gobalka Hiiraan.

0

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in koox hubeysan ay dileen mid ka mid ah Nabadoonada Magaaladaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xaaji Guuroow, sida AGGM u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi.

Ragii falkaasi dilka ah ka dambeeyay ayaa baxsaday waxaana ciidamada dowladda oo halkaasi tagay wadaan baaritaanno ku aadan dadkii dilka geystay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco All-Galgaduud Media wararkeena kale Insha Allah.

Hoos ka dhageyso codka: