Waxaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Wafadigan Balaaran ee uu horkacayay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa marki uu soo gaaray magaalada waxa uu fagaaraha magaaladaasi kula hadlay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Garbahaarey.
Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa waxa uu ugu baaqay beesha Sade inay ka soo qayb galaan shirka Midnnimo 2 islamarkaana ay Midnimo muujiyaan.