Waxaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Wafdigan Balaaran ee uu horkacayay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa marki uu soo gaaray magaalada waxa uu booqday qabrigii Allaha u Naxariistee Madaxweynihi Hore Ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare, ka dibna waxa uu fagaaraha magaaladaasi kula hadlay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Garbahaarey oo isugu soo baxay soo dhaweyntiisa.
Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa waxa uu ugu baaqay dhamaan qeybaha kala duwan ee beesha Sade inay ka soo qayb galaan shirka Midnnimo 2 islamarkaana ay u istaagaan xoojinta Midnimadooda iyo wadajirkooda.
Halkan Hoose Ka Daawo