Faah-faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Weerar maanta ka dhacay Agagaarka KM-4 ee Magaalada Muqdisho oo lagu dilay Afar Ruux oo ay ku jiraan Saraakiil ka shaqeyneysay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Afarta Ruux ee lagu dilay Muqdisho Labo kamid ah ay u shaqeynayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan,waxaana lagu kala sheegay Mas’uul lagu Magacaabo Kadiye oo Dhanka Maaliyada u qaabilsanaa Garoonka Diyaaradaha iyo sidoo kale Maxamuud Cabdi Haaruun oo asna ka tirsanaa Maamulka Garoonka.
Sidoo kale waxaa Goobta ku Nafwaayay Labo Ruux oo kale,kuwaas oo Gaariga la saarnaa,iyadoona uu dhaawacmay Qof kale.
Dad Goobjoogeyaal ah ayaa noo sheegay in Kooxda Weerarka geysatay ay wateen Gaari Nooho ah,kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Hoos Ka Arag Magacyadoodda:
1- Abuukar Cadaani (Agaasimaha Gaadiidka Hawada)
2- Maxamed Axmed Haaruun (Maareeyaha Maaxidda Hawada)
3- Xuseen Hilowle Cadaan (Darawal)
4- Maxamed Kediye Jimcaale (Madaxa Maamulka)
Hoos ka dhageyso warbixin: